Soomaali

MINI – MARIA GÖTEBORG

Macluumaadka ku saabsan waxbarashada waalidiinta

Mini – Maria Göteborg Waxaa loogu talo galey dhalinyarada oo da’adoodu tahay ila 21 sanno ee halista ugu jira ama ay hadda dhib ka haysato isticmaalka aalkolad iyo maan – dooriyaasha. Min – Maria waxaa ay xitaa caawisaa waalidiinta iyo qaraabada.

Mini – Maria waxaa ay magaalada Göteborg kaga taalaa saddex meelood waxaa na haboon in aad caawimaad u raadsato hadba qaybta ugu dhow gurigga aad degentahay. Mini – Maria waxaa ka shaqeeya koox ka kooban shaqaalaha arimaha bulshada, kalkaalisooyin caafimaad, maan/maskax dhaye (psykolog) , dhakhaatiir iyo xog – hayno. Mini – Maria waa wada shaqeyn ka dhxaysa degmada iyo daryeelka caafimaadka. Dhamaan booqas hooyinka Min – Maria waa bilaa lacag haddii aad degentahay degmooyinka Göteborg iyo Ökcerö. Waxaa na qabanaya xeerka sir qarinta isla markaa waxaad noqon kartaa mid qarsoodi aha booqashada ugu horeysa. Marka aad soo booqato Mini – Maria waxaa lagu siinyaa caaw imaada iyo kaalmada aad u baahantahay iyada oo laga duulayo baahidaada iyo tan qoyskaaga .

Mini – Maria waxaa aad ka hadli kartaa haddii adigu rabto sida xaaladaada nololeed ay tahay. Waxaa kale oo lagaa caawin karaa in la hadasho qaoyskaaga. Waxaa jira waxyaabo badan oo saameyn ku yeelaneyso haddii aad isticmaasho aalkolada iyo maan – dooriyaasha. Waxaa dhici karta in dhabaato kaa heysata dhaawac kaa soo gaadhey isticmaalka aalkolada iyo maan – dooriyaha, in ay kula soo darseen xaalado adag oo aan fiicnayn , in aad bilowdey in dhibaato kaa timaado dugsiga, saaxiibada iyo qoyskaaga. Waxaa laga yaabaa in xaaladaada caafimaad ee xagga jidhka iyo kan maskaxdu uusan fiicneyn . Taasina ay sababto in ay kugu adkaato in iska dh a afto isticmaalka aalkolada iyo maan – d o ori yaasha . Haddii aad noogu timaado daawey ku saabsan aalkolada iyo maan – dooriyaasa, waxaa aad sameyn doontaa baaditaano badan oo lagaa baadhayo in aad isticmaasho maan – dooriye.

Waalidiinta iyo qaraabadu wey iman karaan Mini – Maria kaligood ama iyaga oo la sco da ilmahooda. Waxaa aan sinaa talo bixin iyo kaalmo tusaale ahaan sida loo maareeyo waxyaaba ka dhex dhaca qoyska haddii aad ogaato inilmahaagu isticmaalo maan – dooriye iyo sida aad u caawin l ahayd sidii uu ilmahaagu iska dhaaf i lahaa . Mini – Maria waxaa kale oo ay bixisaa koorso ku saabsan xashiishada, kaas oo loogu talo galey waalidiinta leh carruurta ay da’doodu u dhaxayso 13 – 21 sanno. Waxaa aad halkaask u ogaan doontaa macluumaad badan oo ku saabsan siyaabaha aad ku ogaan karto in ilmahaagu isticmaalo isticmaalka maan – dooriyaha. iyo in kale iyo saamey uu maan – dooriyuhu ku yeesho jidhka.Waxaa kale oo aad baran doontaa Sida xikmadeysan ee loo wajihi karo doodaha caamka ah ee ku saabsan maan – dooriyaasha .

Haka gaban in aad nala soo xidhiidho :

Mini – Maria Woqooyi bari ( Mini – Maria Nordost )
Gamlestadsvägen 4 415 01 Göteborg
Lambarka t elefo o n ka : 031 – 367 92 90
Maxadad ugu dhow : Gamlestadstorget

Mini – Maria Centrum-Väster
Norra Hamngatan 8 401 26 Göteborg
Lambarka t elefo o n ka : 031 – 367 99 40
Maxadad ugu dhow : Domkyrkan och Stenpiren

Mini – Maria Hisingen
Vågmästaregatan 1b 417 02 Göteborg
Lambarka t elefo o n ka : 031 – 367 93 15
Maxadad ugu dhow : : Vågmästareplatsen